4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2020
Guddiga gurmadka Fatahaadaha Baledweyne oo soo afjaray wajiga kowaad ee biyo xireenka Hilikilyo


Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Guddiga gurmadka xaalka waara ee fatahaadaha Baledweyne ayaa sheegay iney soo afjareen wajiga koowaad ee la tacaalista iyo ka hortagista biya xiraanka fatahaadda Wabiga Shabelle.

Goobaha biya xireenka laga sameyay waxa ka mid ah tuulada Hilikilyo oo dhacda duleedka dhinaca waqooyi ee magaalada Baledweyne halkaas oo aheyd meelaha sida ugu fudud uu wabiga Shabelle karkaarada uga jabsado.

Injineerada ku howlan dadaalada lagu doonayo inaan fatahaad looga barakicin xaafadaha Baledweyne ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay howlaha biya xireenada iyo shaqada ay hayaan.

Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo ah guddoomiyaha guddiga gurmadka Fatahadaha Baledweyne ayaa Warbaahinta u sheegay iney ku guuleysteen wajigii koowaad ee biya xireenka Hilikilyo, ayna ku xijinayaan tuuloyinka Qooqane iyo Guryo-cadde.

Guddigan ku howlan la tacaalista iyo ka hortaga fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle ayaa sameynaya Carro tuuro waaweyn oo ay dhigayaan goobaha qararka wabiga uu ka jilicsan yahay ee uu ka sameyn jiray fatahaadaha.

Ugu dambeyntii Guddiga xaalka waara ee fatahaadaha Baledweyne iyo Injineerada ku howlan dadaalada lagu sameynayo biya xireenka loogana hortagayo fataahadaha ayaa shacabka ugu baaqay iney is dajiyaan maadama rajadu tahay mid aad u wanaagsan ayna dhici doonin in mar kale fatahaad looga barakaco xaafadaha Magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online