4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Taliye boolis oo shaqada looga fadhiisiyay weerarkii hotel Elite awgii
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho waxaa shaqadii laga fariisiyay taliyaha ciidamada booliska ee degmada Cabdicasiis, Axmed Baashane, waxaana sidoo kale la amray in lasoo xero askartii ku sugneyd baraha koontaroollada degmadaas, maalintii uu dhacay qaraxii iyo weerarkii lagu qaaday hotel-ka Elite ee magaalada Muqdisho.

Ammarkaan ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay taliyaha ciidamada booliska ee Soomaaliya .

Ciidamada ayaa lagu eedeeyay in barahii ay joogeen uu soo maray gaariga is qarxiyay, sida ay tilmaamayaan wararka warbaahinta Muqdisho qaar ay baahiyeen.

Ku simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu amray in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan waxyaabahii dhacay.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhimatay 30 kalena way ku dhaawacantay weerar mas’uuliyaddiisa Al-shabaab sheegteen oo lagu qaaday Hotel-ka ku yaalla xeebta Liido ee Elite.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]