4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Maamulka Koonfur galbeed oo dilay rag loo haaystay kufsi
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Wararka kasoo baxaya magaalada Baydhaba ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay toogteen laba nin oo loo haaysatay falal kufsi, sida ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ay innoo sheegeen.

Ciidamada ayaa labada nin ee la toogtay soo qabtay, kadibna waxaa la sheegay iney qirteen dembiyada loo haaystay, oo kadibna la toogtay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay isbuucyadii lasoo dhaafayay waxaa ka dhacay dhowr kiis oo ay dadka deegaanka la yaabanaayeen oo dhammaantood ahaa kufsi.

Maamulka ayaa horay u sheegay inuu wax ka qaban doono arrimahaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]