4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2020
Sanbaloolshe : Madaxweyne Farmaajo wuxuu fashil sii hordhigay shirka Dhuusomareeb
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu sii diyaarsaday qorshihii uu ku fashilin lahaa shirka magaalada Dhuusomareeb ee doorashada looga tashanayo.

Sanbaloolshe oo wareysi siiyay Dalsan tv ayaa sheegay go’aanka madaxweyne Farmaajo uu ku gaaray inuu barlamaanka kusoo celinayo heshiiska dhuusomareeb, ay tahay farriin muujinaysa in shirkaasi fashilmidoono.

“Madaxweynuhu warkiisu waa xujo, haddii uu barlamaanka xushmaynayo, muxuu u horkeeni waayay heshiisyadii uu lasoo galay dowladdaha shisheeye iyo shirkaddaha caalamiga ah.” Ayuu yidhi sanbaloolshe.

Sidoo kale, Sanbaloolshe waxaa uu tilmaamay in maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland ay tahay madaxweyne Farmaajo uu sabab uga dhigidoono inay iyagu masuul ka ahaandoonan haddii uu shirkaas fashilmo.

“Dowlad goboleedyada waxay diidan yihiin raysal wasaarihii shirkaan qeybta ka ahaan lahaa ma jiro, barlamaankii madaxweyne Farmaajo ayuu gacanta ugu jiraa, aqalkii sare waa la fadhiisiyay, marka yaa lala hadlaa? dalka madaxweyne iyo raysal wasaare Farmaajo ayaa ka ah,” ayuu yidhi Siyaasi Sanbaloolshe.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]