4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Hay'adda FOA oo soo saartay digniin sare oo ku saabsan webiga Shabeelle ee mara Baladweyne
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FOA, ayaa digniin ka bixisay webiga Shabeelle ee mara magaalada Baladweyne, kadib markii Heerka webiggu uu aad sare maray heerkiisa, gaarayna 7.17m.

Hay'addu waxay tilmaamtay Maaddaama biyo badan ay ka soo qulqulayaan buuraha Itoobiya, inay jirto halis sare oo fatahaad ah.

FAO waxay digniin degdeg ah u dirtay bulshooyinka ku nool dhulka webiyada, sida Baladweyne, Buulo Burte iyo Jalalaqsi.

Gobolka Hiiraan ayaa aad ah ugu nuqul fatahaada webiga Shabeelle, waxaana labadii sano ee ugu dambeysay webigu khasaare ba’an u geystay boqolaal qoys oo ku noolaa magaalada Baladweyne iyo degaano kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]