4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Madaxweyne Waare oo ka hadlay Dilka Wasiirkii Beeraha ee maamulka Hirshabelle
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo caawa lagu dilay magaalada Magaalada Jowhar Xili uu ka baxay Masaajid  uu ku dukaday Salaada Cishaha.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay Dilka wasiirka, waxaana Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan Eheladii, Qaraabadii, asxaabtii, qoyskii, iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa  amray hey'adaha amaanka in ay si deg deg ah u soo  qabtaan Kooxihii Ka dambeeyay Dilka wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle waxaana uu ka mid noqday dabayaaqadii 2016-ki oo xiligaa la aas aasay Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]