4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Taiwan oo xafiis diblumaasiyadeed ka furatay Somaliland
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Taiwan ayaa xafiis diblumaasiyadeed ka furatay Somaliland Isniintii maanta ahayd, taas oo lagu tilmaamay astaan muujineysa xiriirka ka dhexeeya labada dhinac oo isku aqoonsan dowladdo gooni isku taagay.

Lou Chen-hwa, oo ah wakiilka Taiwanese, oo madax ka noqon doona xafiiska Somaliland, ayaa yidhi "Waxaan ku kalsoon nahay wada shaqeynta iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Somaliland,"

Wuxuu intaas ku daray inay labada dhinac qorsheeyeen inay iska kaashadaan waxkasta oo kamid ah, daryeelka caafimaadka, beeraha iyo amniga.

Heshiiska lagu furay xafiiska cusub ayaa waxaa la shaaciyey bishii hore, waxaana la filayaa in Somaliland ay xafiiskeeda ka furato magaalo madaxeedka Taiwanese Taipei waqtiyada soo socda.

Yaasiin Xaaji Maxamed, wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, ayaa u sheegay weriyeyaasha in arrintaan horey loogasoo shaqeeyay ayna tahay guul usoo hoyatay Somaliland.

Taiwan waxaa si rasmi ah u aqoonsan 15 dal oo keliya - Shiinaha ayaa ku gacan seeray toddobo kamid ah xulafada diblomaasiyadeed kadib markii madaxweyne Tsai Ing-wen uu xukunka la wareegey sanadkii 2016.

China ayaa Taiwan ku tilmaamay jasiirad dhulkeeda kamid ah iyada oo ku dhaaratay inay maalin uun qabsan doonto, haddii loo baahdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]