4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Jubbaland: Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay naga caawiso qabsoomida shirka Dhuusomareeb oo loo dhan yahay
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeysay dowladda federalka inay burburisay miro dhalkii kasoo baxay shirarkii magaalada Dhuusomareeb.

Jubbaland waxay beesha caalamka ugu baaqday inay soo faro galiyaan arrimaha Dhuusomareeb ayna ka caawiyaan qabsoomida shir loo dhan yahay.

Bayaan caawa kasoo baxay Jubbaland, ayaa madaxweyne Farmaajo loogu eedeeyay in uusan  raalli ka ahayn in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaaro doorashada 2020/2021.

Waxay kaloo ku eedeeyeen inuu baarlamaanka waqtigiisu gabaabsiga yahay uu u adeegsanayo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen muddo kororsi.

Jubbaland waxay sidoo kale dowladda federalka ku dhalleecaysay inay weli faro galin ku hayso gobolka Gedo, ayna ka dhigtay meel amni xumo ah oo ay ka faa’idaystaan Al-shabaab.

Waxay tusaale usoo qaadatay qarax maanta ka dhacay magaalada Baladxaawo oo ay ku dhinteen 13 qof oo ciiddan iyo shacab iskugu jira.

Warka kasoo baxay Jubbaland ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Puntland uu isagana ku baaqay in beesha caalamka soo faro galiso shirka Dhuusomareeb.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]