4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Afhayeenka ciiddanka booliiska Soomaaliya oo ka hadlay soo afjarida weerarkii hotel Elite
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa soo afjaray weerarkii Al-shabaab ku qaadeen hotel Elite, oo kamid ahaa hotelada ammaankooda aad loo ilaaliyo ee kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

16 qof oo ay ku jiraan dableyda weerarka qaadday ayaa ku geeriyooday weerarkaan, halka ay ku dhaawacmeen 13 kale.

Afhayeenka ciidamada Booliiska gaashaanle Sidiiq Aadan Cali ayaa sheegay in la dilay 5 dagaalame oo hotelka gudaha u galay, Waxaa sidoo kale uu sheegay in lasoo badbaadiyay in ka badan 200 qof oo hotel ku go’doonsanaa.

afhayeenka ciiddanka booliiska waxa uu  sheegay in soo afjarida weerarka ay qaadatay saacaddo dheer, taasoo uu sheegay inay sabab u ahayd, iyadoo laga fogaanayay in khasaaruhu intaas kasii bato.

Ma sheegin tirada masuuliyiinta ku dhintay weerarka iyo kuwa ku dhaawacmay.

Burbur aad u baaxad weyn ayaa soo gaaray hotelka, waxaana dhexdiisa lagu toogtay dad badan oo kamid ahaa shaqaalihii hotelka iyo dadkii nasashada usoo raadsaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ujeedka ugu weyn ee Al-shabaab u qaadeen weerarkan ku tilmaamay in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]