4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
15 Qofood oo la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weerarkii Elite Hotel

Cabdirisaq Cabdullahi Cabdi & Daahir Cali Gawil oo ku wada geeriyooday weerarkii Hotel Elite

Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Ilaa iyo 15 qofood ayeey hay'adaha ammaanka xaqiijiyeen in ay ku ku geeriyootay weerarkii gelinkii dembe ee maanta ka dhacay Hotel-ka Elite oo ku yaalla degmada Cabdicasiis, gaar ahaan dacalka xeebto liido. Waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad ku dhow 40 ruux.

Ishan dhinaca ammaanka ah ee la hadashay Hiiraan Online waxay sidoo kale inoo xaqiijisay in lasoo gabagabeeyay howl-galkii ka socday Hotel-ka. Dhowaanna ay ciidamada isaga soo bixi doonaan.
 
Aagaasimihii Waaxda xiriirka Gobollada ee Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdullaahi Cabdi ayaa kamid ah dadka la xaqiijiyay iney ku dhinteen weerarkii ka dhacay gelinkii dembe ee manta hotel-ka Elite ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale lasoo weriyay dhaawaca mid kamid ah muuqaal duubayaasha warbaahinta qaranka Soomaaliya, sida lagu qoray wakaaladda wararka ee SONNA.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka oo isugu jiray qarax gaari loo adeegsaday iyo maleeshiyo gudaha u galay dhismaha.

Booliska Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadaan. Sidoo kalena ma jiraan faah-faahin kasoo baxday dowladda oo si rasmi ah loogu xaqiijinayo khasaaraha .



Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa uu ka hadlay weerarka ka dhacay caasimadda, waxa uuna sheegay in uu ahaa mid lagu carqaladeynayay ammaanka dalka, koboca dhaqaalaha iyo geeddi socodka dowladnimada, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Weerarka maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmihii dembe ay dhacayeen falal liddi ku ah  nabad-gelyada, hase-ahaatee dowladda ayaa hadda wajaheysa laba cadaadis oo xooggan oo kala ah xal u helidda xaaladda kala guurka ah iyo sugidda ammaanka caasimadda Soomaaliya .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]