4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
Puntland oo shaacisay inay ka fiirsanayso ka qeyb galka shirka Dhuusomareeb
 

Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo maanta dib ugusoo laabtay Garowe, kadib safar uu ku tagay dalka Jabuuti, ayaa sheegay inay Puntland ka fiirsanayso ka qeyb galka shirka Dhuusomareeb.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay hadalkii shalay uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay golaha barlamaanka iyo isbedeladii siyaasadeed ee dhacay shirkii Dhuusomareeb kadib, in loo baahan yahay in ay Puntland tashi ka yeelato mowqif cadna ka qaadato.

Deni wuxuu tilmaamay in madaxweyne Farmaajo laga sugayay in haddii xukuumadii la riday ay bedesho xukuumad kale oo howsha sii wada, laakiin aanay taas muuqan oo madaxweynuhu waddo kale aaday.  

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya, iyadoo warar la helayo ay sheegayaan in Puntland iyo Jubbaland ay diidan yihiin ka qeyb galka shirka Dhuusomareeb, iyagoo madaxweynaha ku eedeeyay inuusan daacad ahayn in heshiis laga gaaro khilaafka arrimaha doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]