4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
Faahfaahin: Howlgalo xalay laga sameyay Xaafadaha Magaalada Baledweyne
 

Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabelle ayaa xalay howlgalo aan horay looga baran ka sameyay xaafado ka mid ah magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka ku guda jireen waxa la arkayay iyagoo baritaano xoogan ku sameynaya gadiidka kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka magaalada Baledweyne, waxayna su'aalo weydinayeen dadka shacabka iyo wadayaasha gadiidkaba.

Ciidamada Booliska Hirshabelle ayaa xalay gabi ahaanba xiray isticmaalka wadada laamiga ah ee hormarta Saldhiga Booliska Baledweyne, taas oo halbowle u ah isku xirka wadooyinka xaafadaha Baledweyne.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay sarakiisha ciidamada Hirshabelle oo ku saabsan howlgalkii xalay ay ka sameyeen qaar ka mid ah xaafadaha Baledweyne.

Howlgalkan xalay ay sameyeen ciidamada maamulka Hirshabelle gaar ahaan kuwa booliska baledweyne ayaa imaanaya xili mudooyinkii dambe ay soo kordhayeen falalka la xariira amaan darida iyo dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah.

Hiiraan Online News Disk