4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 16, 2020
Turkish Airline oo dib u billaabaysa duulimaadyadeedii Soomaaliya
 

Axad, Agoosto 16, 2020 (HOL) - Wasaaradda Gaadiidka ee Turkiga ayaa ku dhawaaqday dib u bilaabista duulimaadyada caalamiga ah ee dalal dhowr ah, kuwaas oo loo joojiyay cudurka Coronavirus.

Turkiga ayaa soo gabagabeeyey wadahadal uu la yeeshay 92 dal oo ku saabsan dib u bilaabashada duulimaadyadeedii, wasiirka gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka ayaa sheegay sidaas.

Wuxuu sheegay in duullimaadyada qorsheysan iyo kuwa aan qorsheysan labaduba ay bilaabeen 13-ka bishaan ayna sii wadi doonaan howlaha ay u hayaan 48 dal oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Dhanka kale, maamulaha shirkadda Turkish Airlines ayaa sheegay in shirkaddu tan iyo markii uu faafay aafada adduunka ee Coronavirus ayna ka luntay 2.23 bilyan oo lacagta Turkiga ah (TL) ($ 315.9 milyan).


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]