4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 15, 2020
Wasiiru-dowlihii madaxtooyada Puntland oo geeriyooday
 

Sabti, Agoosto 15, 2020 (HOL) - Wasiiru-dowlihii madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise ayaa goor dhowayd ku geeriyooday magaalada Garowe.

Geeridiisa waxaa loo sababeeyay markii neefshada ku adkaatay .

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr, Jaamac Faarax Xasan oo aan qadka talefoonka kula xidhiidhnay ayaa inoo xaqiijiyay geerida wasiirka.
 
Marxuumka ayaa lagu waday in isla saakay loo qaado magaalada Muqdisho si halkaas xaaladdiisa caafimaad loogusoo dabiibo.

Lama oga inuu u geeriyooday cudurka conaravirus.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa dhawaan ka digtay halista cudurka Covdi9, iyadoo sheegtay in ay soo kordheen kiisas cusub.

Puntland waxaa horey cudurka Covdi19 ugu geeriyooday wasiirka deegaanka Puntland iyo kormeerihii wasaaradda waxbarashada gobolka Nugaal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]