4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 15, 2020
Madaxtooyada Soomaaliya oo shaacisay in madaxweyne Farmaajo ku wajahan yahay Dhuusomareeb
 

Sabti, Agoosto 15, 2020 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wajahan magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, si uu u shir guddoomiyo shirka wajiga saddexaad ee Dhuusomareeb oo looga hadlayo go’aan ka gaarida arrimaha doorashooyinka soo socda.

Safarka madaxweyne Farmaajo waxaa xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada  Soomaaliya Cadbinuur Maxamed Axmed oo sheegay.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga,” ayuu yidhi Cabdinuur.

Sidoo kale, guddiga farsamo ee kasoo talo bixinta doorashada ayaa iyaguna maanta lagu wadaa inay tagaan magaalada Dhuusomareeb, balse qaar kamid ah madaxweynayaasha ayaa shaki la galinayaa inay shirkaas  ka qeyb galaan, iyadoo xilli horeba ay beesha caalamka walaac ka muujisay.

Warsaxaafadeed xalay kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in maqnaanshaha xubin kamid ah madaxda shirka Dhuusomareeb ay keeni karto in meesha ay ka baxdo sharciyada go’aan lagu gaari karo.

 Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]