4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 14, 2020
Beesha caalamka: Shirka Dhuusomareeb haddii cid kamid ah madaxdu imaan weydo go'aan laguma gaari karo
 

Jimco, Agoosto 14, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa warsaxafadeed kasoo baxay waxay si cad  ugu sheegeen in haddii shirka Dhuusomareeb cid ka mid ah madaxda ay ka qaybgeli waydo uu baabi’in doono in shirka awood u yeesho in lagu gaaro go’aamo la hirgelin karo.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in saamilleyda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay si degdeg ah ugu heshiiyaan wixii la qaban lahaa si horey loogu socdo, gaar ahaan hanaanka doorashada, oo aanay dhicin dib u dhac.

"Waxaan ka walaacsanahay in qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka aan weli guddiga u soo dirin wakiilladooda. Waxaan ku boorinaynaa inay wakiilladooda u ogolaadaan inay ka qaybqaataan hawsha guddiga, oo durbaba la billaabay, inta ay sii wadaan wadahadallada ay kula jiraan hoggaanka Dowladda Federaalka si loo xalliyo arrimaha weli taagan," ayaa lagu yidhi warkan.

Beesha caalamka waxay adkeysay baaqyadeedii hore ee ahaa in qaab doorasho kasta oo uu si qasab ah ku mariyo mid keliya oo ka mid ah saamilleyda, ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda, iyadoon ogolaansho laga helin dhammaan saamilleyda, uusan yeelan doonin sharciyad dalkana laga hirgelin karin.  

Waxay beesha caalamka farriin adag u dirtay barlamaanka Soomaaliya, iyagoo uga digay inuu qaato go’aan keligiis ah oo uu ku kordhiyo xilli xileedka Baarlamaanka 10aad ama xukuumada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]