4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 14, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo berri khudbad u jeedin doona Baarlamanka
 

Jimco, Agoosto 14, 2020 (HOL) - Xildhinaannada aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxay heleen farriin ku saabsan in berri uu ajandaha kulankooda   yahay dhageysiga  khudbad uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u jeedindoono, waxaana la qorsheynayaa inuu ka hadlo xaaladda dalka.

Hadal jeedinta Madaxweynaha ee berri oo aan aheyn mid dastuuri ah ayaan si dhab ah loo ogeyn wax-yaabaha xilligaan kusoo beegay.

Sabtida berri ah ayaa loo ballansanyahay in uu furmo shirkii Dhuusamareeb ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka. Weli lama shaacin in uu kulankaasi baaqday.

Beesha Caalamka ayaa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku cadaadineysa inuu qabsoomo shirkaas.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa Baarlamanka aqalka hoose hortagaya iyadoo uusan weli magacaabin ra'iisul wasaarihii bedali lahaa Xasan Cali Kheyre oo ay Baarlamanka rideen xukuumaddiisii

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]