4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 14, 2020
Madax dhaqameed shil gaadhi ku waxyeeloobey iyo xaalada degaano dagaal ka dhacay oo haatan degan
 

Jimco, Agoosto 14, 2020 (HOL) - Garaad Cabdisalaan Xassan Maxamed, Cuqaal iyo waxgarad la socdey oo ka mid ahaa madax dhaqameed ku sii jeedey galbeedka degmada Xuddun oo xaalad colaadeed ka taagnayd shalay.

Shilkan ayaa dhaawac ka soo gaadhey Garaadka iyo Caaqil Sanyare Sanbaloolshe  oo haatan lagu dawynayo isbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood, waxana uu Caaqliku noo sheegay in ay doonayeen in inta habeenimada ay gaadhaan degaanada  colaadu ka socotey.

Dhinaca kale waxaa lagu guulaystey in la kala qaado ciidan beeleedyadii shalay dagaalku ku maray degaano dhawr ah, kuwaas oo ciidamo in la geeyeyna waa la cadeeyey.

Khasaaraha degaanadaasi ka dhacay ayaa gaadhay 6 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawac  aan ilaa hada la sixin balse labaatan ayay ku dhow yihiin, walow tobaneeyo la gaadhsiiyey isbitaalada.

Gudiyo nabadayneed oo dhowaanahan ka shaqaynayey colaado beeleed ka jirta gobolka Sool ayaa iyaguna gaadhey goobayta waxana xiidh aan la samaynay ay noo sheegeen in ay rajeynayaan xal u helida colaadaha oo intooda badan dhul ka bilaabma.

Baaqyo badan ayaa ka soo baxaya degaano waxgarad, culimo iyo masuuliyiinba in la joojiyo dagaalka, welina waa taagan tahay cabsida laga qabo colaada labada beelood.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood