4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 14, 2020
Ciidamada dowladda oo la wareegay degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeelada hoose
 

Jimco, Agoosto 14, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degmada Kuntuwaarey oo ka tirsan Gobolkaas oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen Xarakada Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in howl-galka lagula wareegay degmadaasi uu ahaa mid qorsheysan oo si fiican looga baaraan degay.

Ciidamada Danab ayaa hadda waxay wadaan howl-gal dhinaca xaafadaha kala duwan ka socda, iyagoo sidoo kale saldhigga magaaladaas kasii daayay dad ku xirnaa, sida ay u sheegeen warbaahinta.

Dhinaca kale saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta maxalliga ah waxay kasoo xigatay in ay qabteen saraakiil ka tirsan Alshabaab, hase-ahaatee ma jiraan ilo madax bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Ma jiraan war kasoo baxay dhinaca Alshabaab oo ku aadan weerarka ciidamada dowladda ay kula wareegeen degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellada hoose.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]