4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 14, 2020
Cumar Filish “Waxaan maamul ahaan ka shaqeyneynaa qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah”
 

Jimco, Agoosto 14, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud “Filish’ ayaa waxa uu sheegay in uu maamulkiisa ka shaqeyn doono doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya isagoo ka qeyb-galayay munaasabad lagu qabtay degmada Boondheere .

Cumar Filish ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in shacabka Gobolka Banaadir ay heleen hiilka ay u baahanyihiin, dowladda dhexe-na looga fadhiyo iney garab istaagto.

“Waxaa jira dadka qaar oo dhahaya, waxaa loo baanayahay doorasho dad ban si ay xilka usii hayaan, taasina suura-gal maaha “ayuu u sheegay dadkii dhageysanayay khudbaddiisa.

Warkaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Bnaadir ayaa waxay dadka qaar oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ay ku tilmaameen mid muujinayo in uu la siyaasad yahay Villa Somalia , sida ay hadalka u dhigeen.

Berri ayaa loo madlansanyahay in magaalada Dhuusamareeb uu ka dhaco shirka wejiga 3-aad ee looga hadlayo nooca doorasho oo ay Soomaaliya aadeyso, laakiin mugdi badan ayaa ku gadaaman in shirkaas uu qabsoomo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]