4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 14, 2020
Madaxweyne Waare: Waa niyad jab weyn iyo kala tag hadduu qabsoomi waayo shirka Dhuusomareeb
 

Jimco, Agoosto 14, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa niyad xumo iyo kala tag weyn ku tilmaamay haddii uu qabsoomi waayo wajiga saddexaad ee shirka loo madlan yahay inuu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb si go’aan midaysan looga gaaro doorashooyinka soo socda.

Inkastoo madaxweynaha Hirshabeelle uu rajo ka muujiyay qabsoomida shirkaas, hadana wuxuu sheegay baaqashadiisa in ay keeni karto faro galin shisheeye iyo in loo arko in Soomaalida aysan dhexdeeda tashan karin.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay shirkaas qabsoomdiisa in ay ku xiran tahay sida uu u shaqeeyo guddiga farsamada ee loo xilsaaray, isagoo caddeeyay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu ay diyaar u yihiin xagooda.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiga waqtiga yar uu haysto iyo tallaabooyinka uu qaaday,” ayuu yidhi madaxweyne Waare oo ka hadlayay kulan uu la qaatay guddiga farsamada doorashooyinka.

Waqtigii la iskugu imaan lahaa shirka Dhuusomareeb ayaa maalinta berrito ku beegan, iyadoo aysan weli  muuqan in shirka  furmidoono, balse madaxtooyada ayaa caddeysay in shirku dhicidoono waqtigii loogu talo galay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]