4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Dowladda Maraykanka oo diiday in wax muddo kororsi ay sameyso dowladda federalka Soomaaliya
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ku baaqay in la isku raaco wadahadallada soo socda ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareb.

"Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay si aad ah u sugaysaa natiijada kasoo baxda shirkadda saddexaad ee Dhuusamareeb 3" ayuu yidhi Yamamoto.

Ambassador Yamamota ayaa yidhi, "Ma ogolaandoono waqti kororsi iyo in doorashada waqtigeeda ka dib dhacdo".

Wasiirka Arimaha dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jamac ayaa muujiyay cabsida laga qabo in dib loo dhigo qabsoomida shirka Dhuusomareeb.

Waxaa jira cabsi laga qabay in waajibaadka xukuumadda hadda jirta la kordhin karo iyada oo ay ugu wacan tahay hoggaanka dalka oo ku fashilmay dhameystirka u diyaar garowga doorashooyinka.

Xilliga dowladda hadda jirta wuxuu ku eg yahay dhamaadka sanadka.

Wadahadalka Dhuusamareb 3 ayaa la filayaa inuu isu keeno hoggaamiyeyaal ka socda Dowladda Federaalka, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo xisbiyada siyaasadeed si ay ugu heshiiyaan doorashooyinka soo socda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]