4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo maamuus u sameysay doorka haweenka iyo dhalinyarada ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka


Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu maamuusayay doorka haweenka iyo dhalinyarada ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka.

Munaasabadan ayaa aad loogu falanqeeyay muhiimada canshuur bixinta iyo horumarka laga gaaray dib u habaynta Maaliyadda dalka oo ay hormuud u tahay Wasaarradda  Maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Saleebaan Sheekh Cumar ayaa sheegay in dhallinyaradda iyo haweenku ay door muhiim ah ku leeyihiin ka qeybqaadashada dib u dhiska dalka iyo horumarka dhaqaalaha.  

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ay muhiim tahay bixinta canshuuraha si loo horumariyo dhaqaalaha dalka. Wasiir Beyle ayaa sidoo kale sheegay in doorka dhallinyarada iyo haweenka uu muhiim u yahay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in dadaalka deyn cafinta Soomaaliya uu ku yimid horumarka iyo dib habaynta hannaanka Maaliyadda dalka laga gaaray.

“Waxaan u mahadcelinyaa canshuur bixayaasha Soomaaliyeed, waxaa ii muuqata in dalkani uu rajo badan leeyahay, waxaan ka fikareyna in Soomaaliya ay 20-ka sano ee soo socota ay Soomaaliya noqoto meel Afrika laga quudiyo, ogaada haddaan casnhuurta la bixin dalkan meel ma gaarayo”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Gudoomiyaha dhalinyarada Gobalka Banadir ayaa muujiyey sida ay uga go'an tahay in ay wasaaradda Maaliyadda garab istaagaan. Guddoomiyha Haweenka Qaranka Batuulo Sh.Axmed Gaballe ayaa wasaaradda maaliyadda ku bogaadisay sida ay awoodda u siineyso haweenka iyadoo balan qaaday inay garab taagan yihiin haweenka.

Dhamaan masuuliyintii ka hadashay goobta oo ay kujireen kuwa ka socday dhalinyarada, haweenka iyo hey'adda Culimada ayaa uga mahadcelisay wasiirka maaliyada sida uu ahmiyadda u siiyeyin dhalinyarada iyo haweenku door firfircoon ku yeeshaan hormarinta dhaqaalaha.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa wadda Barnaamijyo ku saabsan la falgalida dadweynaha iyo qeybaha kale duwan ee bulshada si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo wacyigellinta canshuuraha oo uu gacan ka geysanayo Bangiga Horumarinta Afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]