4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Fatahaado laga cabsi qabo mar kale iney Beledweyne ku dhuftaan
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Fatahaado xooggan ayaa laga cabsi qabaa iney ka dhacaan magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kadib markii la sheegay in joogga biyaha webiga Shabeelle ee mara magaalooyinkaas ay sare u kaceen.

Wasaaradda arrimaha bani aaddanimada iyo ka hortagga masiibooyinka oo dhowaan war soo saartay ayaa ka digtay khatarta ka imaan karta webiga, iyadoo xilliyadii dembe dhulka buuraleyda Itoobiya ay ka da’ayeen roobab lixaad leh.

Digniinta wasaaraddu ay soo saartay ayaa lagu faray dadka hareeraha wabiga deggan iney muujiyaan feejignaan dheeraad, islamarkaana  haddii ay suura-gal tahay ay alaabahooda badi kasii qaateen guryaha ay deganyihiin si haddii uu webiga fatahaad sameeyo aysan u saameyn.

Magaalooyin badan oo ka tirsan Hirshabeelle ayaa waxaa mara webiga Shabeelle, waxaana sanadihii ugu dembeeyay maamulkaas ka dhacayay fatahaado saameeyay kumannaan qoys.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]