4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Shir looga hadlayay doorashooyinka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sidii loogu  gudbi lahaa hannaan ka bedalan tii 2016-kii ka dhacday gudaha waddanka.

Shirka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb-galay qaar kamid ah xubnaha hoggaamiyo axsaabta sida kumeel gaarka ah u diwaan-gashan iyo guddiga farsamada iyo kabaaraan-degga talooyinka ku qotoma habka iyo hannaanka loogu diyaar garoobi karo doorashada soo socota.

Kulanka oo ahaa su’aal is-weydaarsi toos ah ayaa lagu gorfeeyay talooyin mararka qaar is-diidanaa , sida HOL ay u sheegeen qaar kamid ah mas’uuliyiintii ka qeyb-galay.

Soomaaliya dhammaadka sanadkaan waxaa la filayaa in la qabto doorashada xildhibaannada Baarlamanka aqalka hoose, halka bilowga sanadka soo socdana loo tartami doono kursiga ugu sarreeyo hoggaanka dalka  ee madaxweynaha .

Maalinta sabtida ah ee 15-ka, bishan August, ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb lagu qabto shir ballaaran oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka, waxaana qorshahu uu yahay in looga hadlo nooca doorasho oo ay Soomaaliya qaadaneyso.

Shirkaas ayaa waxaa in uu qabsoomo aad u daneynayo marka laga yimaado dhinacyada Soomaalida , sidoo kale beesha caalamka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]