4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Maxkamadda Ciidamada oo magaalada Beledweyne ka bilowday dhageysiga kiis dil ah
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Beledweyne ka bilowday dhageysiga kiis dacwadeed ay u fadhiisatay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27-aad, kaas oo ku saabsan dil dhowaan loogu geystay wiil dhalinyaro ah magaaladaas.

Xeer ilaalinta ayaa garsoorka hor keenay seddex eedeysane oo ay soo qabteen, oo loo haaysto eedda dembiyo ku saleysan dil, afduub iyo gubis la sheegay iney u geysteen Allaha U Naxariistee Ceydaruus Calaawi oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo aad looga yaqaannay Beledweyne.

Qareennada difaacayay seddexda eedeysane ayaa waxay soo bandhigeen dooddooda ku aaddan difaaca muwakiliintooda .

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Beledweyne bilowga bishaan, waxa uuna ahaa mid habka loo geystay ay aad uga argagaxeen shacabka.

Waxaa dhageysiga kiiskan manta ka qeyb-galay saraakiil ka tirsan maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad iyo qaar kamid ah ehelada marxuumkii dhintay iyo sidoo kale dad la ehel ah eedeysanayaasha.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]