4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Dagaal beelo ku dhexmaray Degmada Xuddun oo khasaare sababay
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Dagaal laba beelood ku dhexmaray duleedka Laf-weyn oo ka tirsan degmada Xuddun galbeedna ku dhowaad afartan kiiloomitir u jirta ayaa la soo tebinayaa in laba qof ay ku dhinteen ku dhowaad tobana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan ayaa sababaha uu ku bilaabmay lagu sheegay in ay tahay degaamayn cusub oo halka lagu magcaabo Yoocada oo 6Km. Laf-weyn u jirta taas oo maalmihii la soo dhaafay muran weyni ka taagnaay.

"Waxaan maqalay rasaas xoogan oo dhacaysa xili aan salaada duhur u diyaargaroobayno, hadaan wax waraysanay waxaa naloo sheegay in Yoocada oo la diidanaa magaalaynteeda dagaal ka socdo, waxaa waxyar ka dib nala dhaafiyey baabuur la sheegay in dhaawac wadaan" sidaana waxaa HOL u sheegay goobjooge ku sugan duleedka Laf-weyn waxaanu intaas ku daray in aanay jirin wax iskuday lagu joojinayo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in isu ciidansi xoogleh uu ka soconayo degaanada ardaayada is hayaa ka soo jeedaan lagana cabsi qabo in dagaalku intaas ka sii xoogaysto.

Ma jiraan wax wara oo ka soo baxay xaga maamulka, iyadoo wararka ugu danbeeyaana ay sheegayaan in ay qabowdey baqdin badanina ay taagan tahay.

Seynab cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood