4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Puntland oo shaacisay in gacanta lagu dhigay burcaddii ka dambeysay boob loo geystay xawaalada Iftin
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay inta badan burcadii ka dambeysay boob hantiyeed oo dhawaan loo geystay xawaalada Iftin Express xarunteeda Garowe.

Duqa Garowe, Axmed Barre, oo ka hadlayay kulan amniga ku sabsaabsanaa ayaa sheegay in hay’addaha dambi baarista ay ku wargaliyeen in gacanta lagu dhigay 75% kamid ah dadkii geytay falkaas burcadnimada ah ayna tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadidoonaan.

Wuxuu duqu sheegay sababaha ay falalkaan u dhacayaan, inay la xiriirto ciidamadii bilayska ee amniga sugi lahaa in tababar la galiyay oo loo carbinayo xoojinta amniga.

Xawaaladda Iftin ayaa dhawaan laga dhacay lacag ku dhow 5kun oo dollar, kadib markii dhowr nin oo hubaysan ay gudaha u galeen. Isla dhac midkaan lamid ah ayaa bilo ka hor loo geystay shirkadda Somtel xafiiskeeda Garowe.

Dhacdooyinka ka dhacay Garowe waxay shaki weyn galiyeen amnigii caasimadda Puntland oo kamid ahayd magaalooyinka aan looga baran ficilada nuucaan oo kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]