4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 13, 2020
Shiinaha oo dhaqaale ugu deeqay dadka Soomaaliyeed ee daadadku waxyeeleeyeen
 

Khamiis, Agoosto 13, 2020 (HOL) - Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ugu deeqday $50000 dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeleeyeen daadadku.

Dhaqaalahan ayaa safaaradda Shiinaha ugu talo gashay in dadka ku sugan meelaha ay musiibo ka jirto ay dib u dhisi karaan guryahooda oo ay dib u bilaabaan noloshoodii iyo wax soo saarkooda sida ugu dhaqsaha badan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Shiinuhu dhaqaalo ku bixiyo taageerada dadka daadadku saameeyeen.

Sanadii 2018, Dowladda Shiinaha ayaa ugu deeqday 1.5 milyan oo doollarka Mareykanka ah si loogu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaada wabiga.

Qin Jian, danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in tillaabada noocan oo kale ah ay muujineyso saaxiibtinimada qotada dheer iyo walaaltinimada dadka Shiinuhu u leeyihiin dadka Soomaaliyeed xilliyada adag.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, oo gudoomay deeqda lacageed, ayaa ku amaanay dowladda Shiinaha inay siiso kaalmadaas muhiimka ah, isagoo sheegay inay timid xilli aad u muhiim ah ka dib codsi caalami ah oo uu ka helay madaxweynaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]