4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2020
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay South Afrika
 

Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Wararka nagasoo gaaraya waddanka Koonfur Afrika ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubeysan oo lagu tuhmayo burcad iney dileen muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagusoo koobay Nuuradiin.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa la dilay xilli uu gaari ku wareejinayay rooti, sida HOL ay u sheegeen ilo lagu kalsoonyahay. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Motherwell oo ka tirsan magaalada Port Elizabeth.

Waxayna wararka dilkiisa kasoo baxaya ay intaas ku darayaan in kooxahii dilka gaystay ay baxsadeen. Ciidamada booliska ee magaalada uu dilka ka dhacay oo goobta soo gaaray ayaa billaabay baaritaanno lagu baadi goobaya dilayaasha baxsaday.

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka South Afrika, waxaana aad u yar kuwa cadaaladda helay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online