4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2020
Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Al-shabaab xasuuq ka geysteen koonfurta Mudug
 

Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay xasuuq ka geysteen deegaanka Shabeelow oo ka tirsan Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa sheegay in  ay Shabaab deegaankaas ku laayeen ugu yaraan 9 qof laguna dhaawacay 5 qof oo guryahooda jooga.

Dowladda federalka iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan si shacabka looga difaaco wuxuu ugu yeeray cadowga Al-shabaab.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in 7 qof uu ku jiro Macalin Dugsi Qur'aan uu ku geeriyooday dagaal ka dhacay deegaankaan oo qiyaastii 25 km ujirta degmada Bacaadweyne.

Al-shabaab ayaa dhowr jiho kasoo weeraray degaankaas, ciidamada dowladda ayaa markii dambe ku guulaystay inay Al-shabaab ka saaraan degaanka, iyagoo garab siiyay maleyshiyaad dadka degaanka ah oo sku abaabulay inay ladagaalamaan Al-shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]