4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2020
AMISOM oo agab aan cunto ahayn ugu deeqday dadka Ku barokacay fatahaada magaalada Baladweyne


Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ku deeqay agab aan cunto ahayn, si loogu caawiyo dadka gudaha ku barokacay (IDPs) ee ay saameeyeen daadadkii dhowaan ku dhuftay degmada Beladweyne ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Alaabada, oo ay ka mid yihiin bustayaal, weelal, marokaneecooyin iyo saanado, ayaa waxaa ku deeqay ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ka hoos shaqeeya AMISOM, si loo yareeyo dhibaatada boqolaal qof, oo lagu khasbay inay guryahooda ugu cararaan daadad darteed, iyagoo lasii kulmay roobab mahiigaan ah.

Sarkaal ka tirsan Qeybta 4-aad ee Ciidamada Iskaashiga Millatariga (CIMIC), Lieutenant Ibrahim Yusuf Ahmed, ayaa deeqda ku wareejiyay Wasiirka Arimaha Bulshada ee Maamulka HirShabelle iyo Maareynta Musiibooyinka, Maxamed Axmed Cabdi.

Waxyaabaha ay ku wareejiyeen mas'uuliyiinta degmada si loo qaybiyo waxaa ka mid ah 800 teendhooyin, 1000 buste, 800 oo maacuunta guryaha ah, iyo 800 weelal caag ah.

Wasiirka arrimaha bulshada, ayaa uga mahadceliyay AMISOM mashruucan, isagoo sheegay in deeqdani ay wax badan ka tari doonto hagaajinta nolosha dadka ku jira xeryaha barakacayaasha, kuwaas oo la daalaa dhacaya saameynta fatahaadaha soo noqnoqda.

191,800 oo qof oo ay fatahaadu saameysay, ayaa ka barokacay guryahooda waxaana ay ku qasbanaadeen in ay aadaan meelo sarsare si ay uga badbaadaan fatahaada. HirShabelle iyo Dowladaha Koonfur Galbeed ayaa ah kuwa ay sida ugu daran u saameysay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]