4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2020
Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay wareegii koowaad ee Xisbiga Dimoqraadiga

Arbaco, Agoosto 12, 2020 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si dirqi ah uga guuleysatay Antone Melton-Meaux oo si weyn loo maal-galiyey, wareega koowaad ee doorashada Kursiga xaafadda 5naad ee magaalada Minneapolis.

Doorashadaan ayaa ah middii uga qaalisaneyd ee ka dhacda gobolka Minnesota, ayada oo ay ka qayb-galeen afar musharax oo kale. Qarashaka ku baxay doorashadaan ayaa waxaa lagu qayaasay dhaqaale ka badan ilaa $7000000 (Todobo Malyan oo dollar)

Guushaan ayaa waxay xaqiijineysaa in Ilhaan Cumar ay si sahalan ugu guuleysandoonto doorashada dhicidoonta bisha Nofember ee sanadkan oo ay kula tartamidoonto musharaxa xisbiga Jamhuuriga.

Ilhaan Cumar oo ah gabar Somali-Ameerikaan ayaa sannadkii 2018 waxay ka mid noqotay aqal hoose ee baarlamaanka Mareykanka ayada iyo haweeney kale oo muslim kana jeedo Falastiin.

Sida xooga leh oo ay ula dagaashay madaxweyne Donlad Trump oo dhowr jeer ku-aflagaadeeyey Ilaan Cumar iyo dadka ay ka soo jeedo ee Soomaaliyeed, ayaa sababay in magac Ilhaan Cumar kor u koco.

Hiiraan Online News Disk