4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 11, 2020
Dowladda Soomaaliya oo magacowday guddiga baarista Shaqaaqadii ka Dhacday Xabsiga Dhexe ee Xamar
 

Talaado, Agoosto 11, 2020 (HOL) - Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamuud Guulleed ayaa magacaabay guddiga Baarista shaqaaqadii ka Dhacday Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Guddigaan oo ka kooban 6 xubnood ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay wasiirka cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji.

Guddigaan ayaa la faray in ay deg deg u hawl-galaan baarista dhacdadaas, kana keenaan gun-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

Waxaa guddigan la siiyay in hawsha Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda la magacaabay.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jireen dad maxaabiis ah, weerar shalay gelinkii dembe ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib markii rag maxaabiis ah ay hub si fudud u heleen, waxaana dadka dhintay kamid ahaa askar ka tirsan ilaalada xabsiga.

Xubnaha loo magacaabay guddigan waxay kala yihiin.


1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda Guddoomiye
2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xubin
3- S/Gaas Cabdi Xasan MaxamedTaliyaha Ciidanka Booliska Xubin
4- S/Guuto Mahad C/raxmaan AadanTaliyaha Ciidanka Asluubta Xubin
5- S/Guuto C/llaahi Buulle KameeyXeer-ilaaliyaha Guud ee
Maxkamadda Ciidamada Xubin
6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan Taliyaha Hoggaanka Baarista
Dambiyada (C.I.D.)Xubin

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]