4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 11, 2020
Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo hay’adda NISA ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar
 

Talaado, Agoosto 11, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar in uu ahaa qorshe ay ka dambeysay hay'adda nabad sugida iyo sirdoonka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyay hay’adda nabad sugida inay xabsiga hub ugu geysay maxaabiista Al-shabaab, iyadoo ujeedada laga leeyahayna ay ahayd in xabsiga laga fakiyo xubno katirsan Al-shabaab.

"Waxba yaan dadka la jahwareerin, howshani waxay ahayd qorshe lagasoo shaqeeyay, waxaanse kala garan la'ahay taliska nabad sugida inuu yahay Shabaab iyo inuu yahay talis Soomaali u shaqeeya" ayuu yiri cabdiraxmaan cabdishakuur

Hogaamiyaha Wadajir ayaa ugu baaqay raysal wasaaraha imaandoono inuu isbedel ku sameeyo hay’adda nabad sugida islamarkaana uu sidoo kale fuliyo heshiisyadii lagu galay magaalada Dhuusomareeb

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladdu ku dhawaaqday inay sameynayso baaritaan ku saabsan sababtii fududaysay in maxaabiista uu hubka gacantooda galo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]