4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 11, 2020
Guddoomiye ku xigeenkii xaafadda Xaawa-taako ee Beledweyne oo la dilay
 

Talaado, Agoosto 11, 2020 (HOL) - Waxaa xalay fiidkii magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii xaafadda Xaawa taako ee magaaladaas oo lagu magacaabi jiray Jeelle Gaarane Cabdulle.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in qof ku hubeysan bastoolad uu ku toogtay xaafadda xaawa-taako, gaar ahaan laanta Nuur xawaad. Marxuumka ayaa marka la dilayay waxa uu kasoo baxay garoon uu mas’uul ka ahaa oo lagu ciyaaro kubadda cagta.

Allaha U Naxariistee Jeelle Gaarane ayaa waxa uu kamid ahaa dhalinyarada sida wanaagsan looga yaqaannay magaalada Beledweyne, waxa uuna sidoo kale maamule ka ahaa goob lagu dhigto GYM-ka, sida HOL ay u sheegeen qaar kamid ah saaxiibadii.

Qofkii dilka u geystay ayaa baxsaday, waxaana dhowr daqiiqo kadib soo gaaray goobta ciidamada booliska ee Hirshabeelle, iyagoo billaabay baaritaan la xiriira baadi goobka ciddii ka dembeysay falka dilka ah.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay maamulka degmada Beledweyne ee uu mas’uulkaas ka tirsanaa.

Magaalada Beledweyne oo xarun u ah Gobolka Hiiraan waxay kamid aheyd magaalooyinka ugu wanaagsan xagga ammaanka Hirshabeelle. Hase-ahaatee falkii xalay dhacay ayaa dadka qaar ku sheegayaan in weli khatarro dhinaca ammaanka ah ay jiraan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]