4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 11, 2020
Shirkadda DP-world oo isku amaantay inay shaqo culus ka qabatay dekeda Berbera
 

Talaado, Agoosto 11, 2020 (HOL) - Shirkadda DP-world ayaa sheegtay inay dhameystirtay 400mitir oo qeyb  ballaarinta dhismaha dekeda magaalada Berbera ee Somaliland, sida ay ku shaacisay barteeda ay kuleedahay Twitterka.

DP-world waxay tilmaamtay in dhismahaan cusub uu qeyb ka qaadandoono kororka awooda marinka dekeda, islamarkaana la gaaridoono in ay dekeda xamili karto culays dhan 500,000 Konteenar sanadkiiba.

Waxay kaloo sheegtay inay sii xoojin doonto magaalada Berbera si ay u noqoto xarun ganacsi oo weyn oo gobolka Geeska Afrika ka adeegato.

Shirkadda DP-world ayaa si rasmi ah ula wareegtay maamulka dekedda Berbera taariikhdu markay ahayd 11 Maajo sanadkii 2017.

Muddo 25 sano ayay ka saxiixatay Somaliland inay maamusho dekeda Berbera, waxayna taas bedelkeeda bixindoonta boqolaal million oo dollar oo ay dekeda ku maalgalindoonto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]