4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2020
Taliyaha ciidamada asluubta oo ka hadlay weerarkii xabsiga dhexe
 

Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - Taliyaha ciidamada asluubta ee jamhuuriyadda Soomaaliya Korneyl  Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii gelinkii dembe ee maanta ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Wuxuu sheegay in xubno kamid ah dadka meesha ku xiran oo maxaabiista u kariya raashiinka in ay qoriga la qabsadeen mid kamid ah askarta, sidoo kalena ay toogteen askari kale, kana qaateen hubkii uu watay.

“Waxaa manta ka dhacay xabsiga waxay ahaayeen in maxaabiista raashiinka u karisa kuwa kale ay askari qori ka qaateen, askari kalena ay toogteen sidaasna ay xabadda ku billaabatay” ayuu u sheegay warbaahinta qaranka taliye Mahad  Cabdiraxmaan Aadan.

Dhinaca kale taliyaha ciidamada asluubta waxa uu sheegay inuu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, laakiin faah faahin kama uusan bixin inta uu la’egyahay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]