4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2020
Rasaas laga maqlay xabsiga dhexe ee Xamar

Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - Rasaas ayaa laga maqlay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar,sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

"Hal mar ayaan ka war helay rasaas si xoog ah uga dhacaysa gudaha xabsiga iyo qaylo yeertay." ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya rasaasta laga maqlay saldhigga ayaa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista ku xirneyd saldhigga uu fursad u helay qori uu lahaa askari ilaalada saldhigga ka mid ah,warkan oo aysan wali xaqiijin saraakiisha saldhigga.

Balse , rasaasta ayaa lagu soo warramaya inay waxyeelo garsiisay qaar ka mid ah ilaalida saldhigga.
" Waxaa na loo sheegay mid ka mid ah ilaalada inuu xabsiga uu ka wado toogasho, ma kala cadda in hub lala galay iyo inuu fursad u helay hubka ilaalida" sida waxaa u sheegay Hiiraan Online mid ka mid ah saraakiisha xabsiga.

Xabsiga dhexe ayaa waxaa ku xiran maxaabiis kala duwan oo xukuno kala duwan ku dhacay, waxaana ku jira maxaabiis Al-Shabaab inay ka tirsanaayeen loo xukumay.

Abdisalan Nor Dirie, Hiiraan Online
[email protected]