Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa ka hadashay kulan Magaalada Hargeysa ku dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti sare ah oo ka socday Dalka Shiinaha.
newsinsideWasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf, ayaa sheegay weftiga Shiinaha ka socday inay Somaliland kala hadleen arrimo khuseeya dhaqaalaha iyo arrimo kale oo aan la carabaabin.
Waxaa uu wasiir ku xigeenku ka gaabsaday inuu ka hadlo in socdaalka wafdiga China uu qeyb ka yahay, sidii Somaliland uga noqon lahayd xidhiidhka ay laleedahay Taiwan oo ah dal yar oo katirsan jamhuuriyadda China.
Maalin ka hor Taiwan ayaa soo dhoweysay wakiil Somaliland usoo magacowday dalkaas, iyadoo arrintaan qeyb ka ah xidhiidh cusub oo dhawaan u bilowday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]