4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2020
Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo Gobollada Jubada dhexe iyo Shabeellada hoose ayaa waxay sheegayaan in laba deegaan oo kale duwan ay diyaarado ka geysteen duqeymo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta Muqdisho qaar kamid ah u sheegay in lala beegsaday hoggaamiyayaal Al-shabaab ka tirsan.

Diyaaradaha duqeymaha fuliyay ayaa bartilmaameedsaday deegaanka lagu magacaabo Haway,  waxayna ciidamada dowladda sheegeen in lagu dilay sargaal sare oo Al-shabaab ah, iyagoo tilmaamay in lagu magacaabi jiray  Daahir Macallin iyo xubno kale oo la socday.

Dhinaca kale waxay duqeyn diyaaradeed ka dhacday Sablaale oo ka tirsan Shabeellada hoose, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in bartilmaameedku uu ahaa saraakiil Al-shabaab ka tirsan, waxayna intaa ku dareen in weerarkaas lagu dilay Axmed Nuur oo ah xubin sare oo Al-shabaab ah sida ay sheegeen.

Lama oga in duqeymahaas ay wax-yeello kasoo gaartay dad rayid ah,  inta badanse duqeymaha ka dhaca koonfurta Soomaaliya waxay dhibaato kasoo gaartaa dadka rayidka ah,  sida ay horay u sheegeen hay'adaha xuquuqda Aadanaha.

Dhinaca kale ma jirto illaa iyo hadda war kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan duqeymahaas dhacay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]