4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2020
Duqii degmada Beledweyne Safiyo Xasan sheikh Cali oo xilka laga qaaday
 

Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gadaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday duqii degmada Beledweyne Safiyo Xasan Shiikh Cali Jimcaale, waxaana xilkaasi loo magacaaby Nadar Tabaax maalin .

Duqa xilka laga qaaday ee Safiyo Xasan Shiikh ayaa waxay aheyd haweeneydii ugu horreysay oo xilkaas ka qabatay magaalada Beledweyne, wixii ka dembeeyay bur burka dowladdii dhexe ee Soomaaliya .

Dhinaca kale Nadar Tabaax Maalin, ayaa waxay kamid tahay siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaanno Gobolka Hiiraan, waxayna dhaqdhaqaaq togan ku dhex laheyd siyaasadda dhowr iyo tobankii sano ee ugu dembeeyay.

Lama oga, wax-yaabaha keenay in xilka duqa degmada Beledweyne laga qaado Safiyo Xasan Shiikh Cali oo muddo ku siman sanad iyo siddeed bilood xilkaan soo haaysay. Laakiin xil ka qaadisteeda ayaa imaaneysa xilli maamulka Hirshabeelle ay doorasho kusoo wajahantahay.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxa uu duqa cusub ee magacaaban Nadar Tabaax faray iney deg deg shaqada kula wareegto.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]