Dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus dunida oo idil oo kor u sii dhaafay Hal Milyan oo ruux
Sabti, April, 04, 2020 (HOL)-Dhawaqa digniinta ee duqeymaha cirka, hoonka maraakiibta, kan gawaarida iyo midka tareennada ayaa laga yeeriyay guud ahaan waddanka Shiinaha, taas oo lagu xasuusanayay dadkii u dhintay cudurka coronavirus.
Dalkaasi muddo saddex daqiiqadod ah waxaa gebi ahaanba la joojiyay
dhaqdhaqaaqii taas oo lagu xusayay dadkii ay waxyeellada ka soo gaartay
cudurkaasi.
Guud ahaan marka la eego dunida oo idil dadka uu soo ritay curkan waxaa ay hadda kor u sii dhaafayaan Hal Milyan oo Ruux.
Tirada dhimashada ee Yurub ayaa gaartay ilaa 40,000, halka Maraykanka
gudaheeda tirada dhimashadu ay gaartay in kabadan 7,000, taas oo tirada
dhimashada adduunka oo dhan ka dhigaysa in ka badan 58,000, sida lagu
sheegay xogta ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins.
Tirada kiisaska ayaa sidoo kale sii kordheysa, iyadoo Mareykanka uu
soo sheegay in ka badan 275,000 infekshin, halka Talyaaniga, Spain iyo
Jarmalka ay isku darsadeen in ka badan 300,000 oo kiis.
Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.1 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay 226,000.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]