4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Maamulka Galmudug oo maanta lagu wareejiyay qalab caafimaad
 

Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug la gaarsiiyay qalab caafimaad oo loogu tala-galay ka hortagga xanuunka COVID-19.  Qalabkaas ayaa ka yimid dowladda dhexe.

Maamulka Galmudug oo la wareegay qalabkaan ayaa waxaa guddoonsiiyay mas'uuliyiin ka socday wasaaradda caafimaadka iyo xafiiska ra'uusul wasaaraha Soomaaliya.

Waa maamulkii sadaxaad oo si rasmi ah loo gaarsiiyo agabkaan caafimaad ee ka yimid dowladda Soomaaliya,  waxaa horay loo siiyay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu horay u bixiyay ammar ah in Maamul Goboleedyada la geeyo agab caafimaad iyo lacago ay kula dagaallamaan xanuunka COVID-19.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho