4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Axmed Madoobe: Jubbaland cidii mucaaradka ku ahayd way la heshiishay. Ma aqoonsanin mucaarad kale
 

Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu la heshiiyay mucaaradkii saxda ee kasoo horjeeday maamulkiisa, isagoo tilmaamay inaanu jirin cid kale oo ay u aqoonsan yihiin mucaaarad.

Axmed Madoobe ayaa hadalkaan kaga jawaabayay kadib markii qaar kamid ah siyaasiyiinta golaha isbedeldoonka ay ku eedeeyeen nuu la heshiiyay saddex nin oo ay isku reer yihiin, kuwaas oo aan matali Karin golaha isbedelddoonka.

“Waxaan arkayay meelo badan oo lagu qoray nimanka soo heshiiyay waa isku beel. Jubbaland cida mucaaradka ahayd ee nala joogtay waxay ahaayeen inta aan hadda la heshiinay, inta kale iyaga ayaa wakiil ka ahaa,” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu diyaar  u yahay inuu la heshiiyo cid walba oo wax ka tabanaysa, gaar ahaan dowladda federalka ayuu sheegay inuu miiska wada hadalka la fariisiinayo.

Dowladda federalka ayaa sheegtay inaysan weli aqoonsanayn in Axmed Madoobe yahay madaxweynaha Jubbaland, waxayna weli wadaa qorshe ay maamul cusub ugu sameynayso Jubbaland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online