4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay indhaha ka dadbeeyso Xaaladda Baardheere



Khamiis, 30 April, 2020 (HOL) - Tan iyo wixii ka danbeeyay markii webiga Jubba uu ku fatahay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayadoo uu baabi’iyay in ka badan 2000 oo beer iyo ku dhawaad 500 oo guri oo ay daganaayeen dad shacab ah, ayaa waxaa isa soo tarayay qeylo dhaanta ku aaddan xaaladdaasi deg-degga ah ee kasoo yeereeysa bulshada qeybaheeda kala duwan, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolkaasi.

Arrintan ayaa cadho iyo niyad-jab ku abuurtay bulshada gobolkaasi Gedo, kadib markii madaxda ugu sareeysa ee dowladda federaalka Soomaaliya, ay ka aamuseen wax ka qabashada xaaladda ka taagan gobolkaasi, ayadoo ay xusid mudantahay in dowladda federaalka ay Puntland ku wareejisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doollar), taasoo shacabka reer Gedo ay sheegeen in ahayd in dowladdu sahashaneeyso dhibaatada ka taagan Baardheere.

Cali Sheekh Aadan (Cali Soomaali) waa aqoonyahan ka tirsan madasha aqoonyahanka gobolka Gedo, waxa ay bilaabeen olole loogu gurmanayo dadka ay fatahaadda saameysay, mar uu la hadlay HOL ayuu sheegay in ilaa  hadda aysan arkin qorshe dowladeed ee wax looga qabanayo dhibaatada ka taagan Baardheere.

“Magaalada Baardheere maamul kama jiro, wadooyinkii galayay roobab ayaa xidhay, shacabka degmadaasina waxay u badanyihiin beeraleey, waxaa intaa u dheer fatahaadda webiga oo saameeysay dalagyadii ay beerteen, marka laga reebo madaxda xisbiyada mucaaradka qaarkood oo arrintan ka hadlay ilaa hadda dowladda federaalka arrinta Baardheere waxba kama oran,” ayuu yiri Cali Soomaali.

Waxa uu intaa ku daray in aysan garanayn sababta ilaa hadda ay dowladda diiradda u saari la’dahay xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka Gedo oo shacabka ku nool uu sheegay in ay markii horeba tabasho badan ka qabeen arrimaha  dowladda oo uu sheegay in ay gabtay kaalinteedii, xilli xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ay taagantahay.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf (Al-qaadi) oo isagu ku sugan Muqdisho, halkaa oo dowladda federaalka ah ay isaga iyo maamulkii Baardheeraba kal hore geeysay kadib muran ka dhashay is-qabqabsi maamul oo ka jiray degmadaasi ayaa sheegay in arrin laga xumaado ay tahay masiibada ka taagan Baardheere iyo sida ay sheedda uga daawanayaan madaxda dowladda.

“Anigoo ka xun dhibta gaartay reer Qardho, hadana Qardho iyo Baardheeraba waa dhul Soomaaliyeed, ma garan karo siyaasadda ka danbeeysa in Qardho ay dowladda $1,000,000 ugu gurmato, Baardheerana ay ka gaabsato xitaa in ay u tacsiyadeeyso dadka ku hoy iyo hanti beelay fatahaadda,” ayuu yiri Gudoomiye Al-qaadi.

Waxa uu ugu baaqay shacabka gobolka Gedo in ay isku tashadaan oo aysan waxba ka sugin dowladda, isagoo sheegay in madaxda dowladda ay ceeb ugu filantahay labadii mar ee masiibooyinka ay ka dhaceen degmadaasi sida ay uga falcelisay.

“Fatahaaddii hore sidan oo kale ayay dowladda sameeysay, way ka aamustay, qeylo dhaan dheer kadib ayay wax yar oo aan wax badan ka tareyn dhibta gaarsiisay, hadana waa isla sidii oo shacabkaasi dhibtoonaya oo cir iyo dhulba ka xiran ayay dowladdu doorbiday in ay ka aamusto kaalmo iskaba daaye,” Ayuu hadalkiisii raaciyay.

Dhinaca kale, Qaar kamid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa arrintan ka hadlay ayagoo dowladda ugu baaqay in aysan arrintan indhaha ka daboolan.

C/raxmaan C/shakuur, Gudoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray;



Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed ayaa isna bartiisa facebook kusoo qoray;

Shacabka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go’aannada dowladda ee ku aadan ka jawaabidda masiibooyinka rabbaaniga ah ee dalka ka dhaca. Dadka Qaar ayaa aaminsan in dowladdu talaabooyin wanaagsan u qaaday dhankaasi, halka qaar kalena ay qabaan aragtida ah  in kaalmada dowladda aysan ka marnayn siyaasad.

Hiiraan Online, News Desk