4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Puntland oo digniin culus ka bixisay roobab mahiigaan ah oo khasaare geysan kara
 

Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray digniin ku saabsan inay soo socdaan roobab mahiigaan ah oo khasaare geysan kara, inkastoo aan la xusin halka ay roobabkaas kusoo wajahan yihiin.

“Waxaa dadweynaha lagu wargelinayaa in saadaasha hawadu sheegayso inay soo socdaan roobab mahiigaan ah oo khasaare geysan kara. Hadaba waxaa la farayaa inay ka guuraan dhulka godan iyo meelaha biyo mareenka ah,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.”

Todobaadkaan, Puntland waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah oo ay ka dhasheen daadad kusoo rogmaday magaalooyinka waa weyn, waxaana saameynta ugu culus ay gaartay magaalada Qardho oo naf iyo maalba lagu waayay.

Puntland waxay maalintii shalay shaacisay inay hirgalisay qalab lagula socondoono saadaasha hawada iyo isbedelka cimilada, si loogasii gaashaanto qatarta ka dhalan karta Roobabka guga oo si aan kala joogsi lahayn uga socda Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online