Jimco, April, 03, 2020 (HOL) - Maamulka Somaliland ayaa kala laabtay shatigii (License) duulimaad ee sharikadaha Flydubai iyo Air Arabia oo laga leeyahay dalka Imaaradka Carabta. Somaliland ayaa warqad qoraal ah udirtay labadan shirkadood waxaana lagu amray inaaysan duulimaadyo ka sameeyn karin deeganada Somaliland.
Hay’ada garoomada Somaliland ayaa amarka qoraalka ah u dirtay labada shirkadood ka dib markii Sharikadahaas u hogaansameen amarkii dowlada federaalka oo ahaa in hawada Soomaaliya laga xiray duulimaadyada dibadda oo dhan oo ay ku jirto hawada Somaliland.
Bishii March 19keedii ayeey dowladda Federaalka Soomaaliya amar ku siisay in dib uga laabato sharikadda flydubai oo ku soo jeeday garoonka Egal ee magaalada Hargeysa. Arrintaas ayaa ka xanaajisay maamulka Somaliland oo u arkay xadgub lagu sameynayo hawada Somaliland.
Labada shirkadood ee laga xayiray duulimaadka Somaliland ayaanan weli wax war ah kasoo saarin warka kasoo yeeray maamulka.
Sidoo kale wararka aan ka helnay magaalada Hargeeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in weli si caadi ah aay u socdaan duulimaadyadii shirkada Ethiopian Airlines islamarkaana ay maalin dhaaf u timaado garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.
Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa amar ku bixisay xirtaanka hawada dalka Soomaaliya si looga hor-tago faafidda cudurka COVID 19 oo dhibaato ba’an ku haya dunida.