4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2020
Puntland oo dowladda federalka ka heshay hal milyan oo ku wajahan gurmadka Qardho
 

Arbaco, Abril 29, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay inay dowladda federalka Soomaaliya ka heshay lacag dhan 1 Milyan oo dollar ah oo lagu kaalmeynayo fatahaada ku dhufatay degmada Qardho.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shirre Abgaal ayaa sheegay in lacagtaan loogu talo galay gurmadka daadadka Qardho, Wasiirku waxaa uu uga mahad-celiyay Dawladda federalka kaalinta ay gurmadka ka gaysatay.

Xasan Shirre ayaa tilmaamay lacagtaan inay hordhac u tahay lacago badan oo ay ka sugayaan dowladda Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inay tahay taakuladii dhaqaale ee ugu horeysay ee gacantooda soo gasha.

Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha ayaa maalin ka hor amray in si degdeg ah Puntland lagu gaarsiiyo taakulo looga qeyb qaadanayo samatabixinta dhibaatada shacabka Qardho kasoo gaartay Daadadka kusoo rogmaday
   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online