4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2020
Askarigii ugu horeeyay ee ciidamada Amisom oo laga helay Coronavirus



Arbaco, Abril 29, 2020 (HOL) - Askari ka tirsan ciidanka difaaca Uganda kana mid ah ciidanka Howlgalka midowga Afrika ee Amisom ayaa laga helay COVID-19 waxaana hada lagu daweynayaa magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegay in dhibbanaha la baaray kadib markii ay soo riteen astaamo la mid ah kuwa COVID-19.

Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda Brigadier Richard Karemir, ayaa sheegay in  tilmaamo cusub la siiyay dhammaan xeryaha AMISOM si looga hortago faafitaanka cudurka.

Waa kiiskii ugu horeeyay ee Covid19 ah oo laga helay mid kamid ah askarta ciidamada Amisom sida uu sheegay Richard Karemir.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online